Toronto: Dhallinyarada Soomaalida oo shaqo abuur loo sameynayo

0
92

Degmada Toronto ayaa billowday barnaamij afar meel oo kala duwan lagu qabanayo oo shaqo abuur loogu sameynayo dhallinyarada oo ay qeyb ka yihiin kuwa Soomaalida. Barnaamijkii u horreeyay ee shaqo abuurka oo ay ka qeyb galeen dhallinyaro Soomaali ah ayaa ka dhacay xaafadda Etobicoke ee ay deggentahay Soomaalida ugu badan.

Duqa magaalada Toronto JOhn Tory oo ka qeyb galay barnaamijka ayaa sheegay in Soomaalida ay kamid tahay bulshooyinka kala duwan ee laga tira badan yahay, islamarkaana aanan fursan wanaagsan u helin inay dhallintooda helaan shaqooyin.

Wuxuu xusay in degmada Toronto oo kaashaneysa dowladda gobolka Ontario ay waddo qorshe lagu shaqaaleysiinayo dhallinyarada, kaasoo ay ku qaban doonaan meelo kala duwan.

John Tory ayaa xusay inuu rumeysan yahay in dhallinyarada oo fursad la siiyo, xitaa kuwa horey u galay dambiyo ay wax badan ka tari karto isbaddel dhinaca horumarka ah oo ay ka sameeyaan dhanka nolosha.

Soomaalida ka qeyb galay barnaamijka ayaa tilmaamay inay ka heleen shaqooyin qaar ka tirsan shirkadaha ka qeyb galayay barnaamijka ee shaqaaleysiinayay dhallinyarada