Ciidamada Amisom iyo Alshabab oo Maanta Ku Dagaalamay Duleedka Degmada Mahadaay

0
106

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab oo wadada u galay kolonyo ka tirsan ciidamada Burundi ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee wadada loo galay ayaa ka ambabaxay dhanka degmada Mahadaay, waxayna kusii jeedeen degaanka Cali-fooldheere.

Ciidamada AMISOM oo Saad u sidey ciidamo kale oo ku sugan degaanka Cali-fooldheere in mar kaliya ay la kulmeen dagaal culus oo ay ku soo qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, iyada oo sidoo kale wararku ay sheegayaan in ciidamada AMISOM laga gubay Hal gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ciidamada AMISOM ayaa iska caabiyay weerarka labada jiho ahaa ee Shabaab ay ku soo qaadeen, waxaana ay ridayeen qoryo culus oo ay isaga caabinayeen weerarkaasi, sida dadka degaanka ay inoo sheegeen.