Akhriso: Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Shacab oo Sheegey In Xiligii Loogu Tala Galey Mooshin uu Dhamaaday

0
35

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo xalay kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in sharci ahaan uu jabay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada oo qoraal ay soo saareen ka koobnaa ilaa 6 qodob ayaa sababta mooshinka uu ku jabay waxa ay ku sheegeen inuu dhamaaday waqtigii 10-ka maalmood ee uu soo jeediyay Aqalka Sare oo ka bilaabaneysay 18 bishan illaa 28 bishan.