Daawo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda oo Sheegey In Muqdisho La Keeney Xafiiskii Xarunta Hawada

0
57

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in Magaalada Muqdisho la keeno Shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo Hawadda Soomaaliya ee Magaalada Noirobi.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay guul weyn oo ay dowladda Soomaaliya gaartay, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya Magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan.

Maxamed Cabdullaahi Salaad Omaar ayaa sidoo kale tilmaamay in inta badan qalabkii yaallay Kenya la keenay Muqdisho.