Kulankii Golaha Amniga Qaranka ee Maanta Ka dhici Lahaa Magalada Baydhaba oo Dib u Dhac ku Yimid

0
38

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo maanta lagu balsanaa in uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee koonfur galbeed ayaa u baaqday sababo aan la shaacin.

Wasiirka warfaafinta maamulka Shariif Xasan oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in kulnka uubaaqdey isagoo aan wax faafaahin ah ka bixin.

Golaha Amniga Qaranka ayaa war muriyeed ka soo baxay kulankoodii Lixaad ku yeeshay magaalada Muqdisho, 6-10 Feebaraayo 2018 ku shaaciyay in kulanka uu ka dhici doono magalada baydhabo.

Aayadoo Madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada isla shirkaasi ay isku raaceen in la dardar geliyo go’aan ka gaarista arriaha masiiriga ah ee horyaalla sida, awood qaybsiga, hannaanka garsoorka federaaliga ah, midaynta hannaanka dakhliga, nidaamka dawladeed ee dalku yeelanayo iyo maqaamka caasimadda Muqdisho.