Daawo: Dowlada Federaalka Somaliya oo Dacwad Ka Gudbisey Dalka Imaaraadka

0
52

Soomaaliya ayaa faragelinta imaaraadka ku heyso dalka somaliya dacwad u gudbisey golaha ammaanka ee qaramada midoobey kana dalbatay in uu soo farageliyo arrinkan.

safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Cusmaan ayaa talaadadii u sheegay golaha ammaanka in Imaaraadka Carabta ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah iyo qarannimada Soomaaliya.

Wakiilka Soomaaliya waxaa kale uu heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ee saldhigga Militari ku sheegay mid ka hor imaanaya xeerarka cuna-qabateynta hubka mar haddii heshiiska dhigayo in hub la keeno gudaha Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah waxa ay golaha ammaanka ugu baaqday in tallaabo sharci ah ka qaado arrintan, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida dowliga ah iyo in golahan uu arrinta Soomaaliya go’aan ka soo saaro.

Dhawaan ayey aheyd kolkii Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya labadiisa aqal ay soo saareen xeer dalka looga ceyrinayo shirkadda DP World, waxaa kale oo ay sharci daro ka dhigeen dhammaan heshiis ay shirkadda gashay.