Xafiiska Amisom ee Dalka Somaliya oo Waqti Kordhin Loo Sameeyey

0
39

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii shalay meel mariyay Qaraar waqtiga loogu kordhiyaya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo la gaarsiiyay illaa 31-ka March 2019.

Goluhu waxaa uu isla gartay muhiimadda taaageeradda howlgalka UNSOM Soomaaliya, gaaar ahaan taageridda dadaaladda Nabadda ee Dowlada Faderalka ah ee Soomaaliya iyo Nidaamka Dib u Hishiisiinta, sida lagu sheegay Qaraarka oo ay soo jeedintiisa iska lahayd Boqortooyadda UK.

Qaramada Midoobey waxay sidoo kale ku celisay Xushmadda ay u heeyso Madaxbanaanidda, dhuleed iyo Siyaasadeed iyo midnimadda Soomaaliya, Qaraarka QM ayaa sidoo kale ku baaqay in laga hortago wax kasta oo xasarad gobolka ka Abuuri kara iyo muranka hoos u dhaca ku keeni kara Soomaaliya.

Waqtiga Xafiiska UNSOM wuxuu ku ekaa 31 Bishaan, waxaase uu sii shaqayn doonaa illa iyo 31 ka March 2019, sida uu ogolaaanayo Qaraarka Golaha amaanka ee QM oo tirsigiisu yahay 2408.