Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland oo Sheegey In 3 Bilood Gudahood 18 Kufsi Ka Dheceen Puntland

0
41

Maxamed Xareed Faarax oo ah Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay Caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyay tacadiyo kala duwan oo ka dhacay degaanada maamulka Puntland bilooyinkii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay dhibaatooyin uu kufsigu ugu horreeyo in ay ka dhaceen deganada maamulka Puntland.

Waxaa uu tilmaamay Maxamed Xareed Faarax in xafiiskiisa ay soo gaareen in afarta gobol ee kala ah Nugaal, Mudug, karkaar iyo Bari ay ka dhaceen tacaddiyada kufsi ah, islamarkaana saddexdii bilood ee sannadkaan ay ka dhaceen 18 kiis oo kufsi ah.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay qaadi doonto tilaabaayooyin deg deg ah oo looga hortagaayo dhibaatooyinka Kursiga ah.

Odayaasha Dhaqanka degaannada Puntland ayuu kaga digay in ay daboolaan kufsiyada loo geysto gabdhaha,islamarkaana ay laaluush ka qaataan ehelada denbiilaha tacaddiga geystay,si ay lacag uga sameeyaan xaqa dulmanaha.