Kooxo Hubeysan oo Xaley Wiil Dhaliyaro Ah Ku Diley Degmada Afgooye

0
33

Rag hubeysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen mid ka mid ah dhalinyarada degmada oo si weyn loo garanayay, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mayoow Cabdullaahi Xusseen, kaasi oo ay da’diisa u dhaxeysay 20 ilaa 30 sano.

Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u sheegay Wiilkooda uu ahaa dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Bajaajta, islamarkaana aysan ogeyn sababta loo dilay.

Degmada afgooye ayaa ka mid ah degmooyinka ay dowlada mar hore gacan ku qabatey ayado isla markaana gacanta u gelisey kooxo lu labisan dareyska dowlada isla markaana u abaabula qaab beeleedyo ayaga ayaana la sheegaa in ay inta badan dhibta ka dhacda degmada ka dambeeyaan.