Tiradii ugu badneyd Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka soo muuqday Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasi oo la gudbiyay 14-kii bishan March.
Wasiirada kulanmkaasi ka soo muuqday oo Camerada ay soo qabatay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuurkar Islow (Ducaalle), Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraaha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiru Dowlaayaal.
Wasiiradan ayaa la sheegey in reysulwasaaraha uu qasab kaga dhigey in wasiir kasta uu la yimaado xildhibaan taageersan mooshinka hadii kalana ay daaqada ka bixi doonaan taasi oo keentey in wasiir kasta ama shaqsi kasta oo ku jira xukuumada in uu ku dadaalo siduu ku keeni lahaa xildhibano raacsan mooshinka si uu kursigiisa u badbaadsado.
Xildhibaanada iyo Wasiirada kulanka yeeshay ayaa waxa ay sheegeen in tiro ahaan ay garayaan 197 xildhibaan, ayna ku kalsoon yihiin in ay kursiga Guddoomiyenimo ka tuuri karaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Sida muuqata waxaa hakad ku yimid oo istaagay shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda gaar ahaan kuwa Xukuumadda iyo Baarlamaanka, taasi oo ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Baarlamaanka Golaha Shacabka.
