Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Sheegey In La Furi Doono Dhamaan Wadooyinka Xiran

0
341

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisoow oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Guddoomiye Yariisoow ayaa uga mahadceliyey ciidamada Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee CID taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.