Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka Culumaa’udiinka, Haweeenka iyo Dhaliyarada Beesha Hariin ayaa maanta lagu qabtey Magalada Baydhabo kulankaas oo kaga hadlayeen mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cusmaan Jawaari kaasoo ay hor boodayaan xildhibaano ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle.
Gabagabadii kulanka ayaa odayasha iyo waxgaradka beesha hariin waxaa ay fariin cad u direen reysulwasaraha xukumada federaalka waxaana u sheegeen in aan waqtigan xaadirka loo baahneyn in dib loo celiyo hurumarkii ay gaartey bulshada somaliyeed ayna haboon tahay in qaran dumiska inta la iska daayo horey loo wado sidii umada loo samata bixin lahaa.
Waxaa kaloo halkan ay fariin taa la mid ah ugu direen xildhibanada digil iyo mirifle ayagoo ugu baaqay iney ka fogaadaan dulmiga ay maleegayaan isla markana juhdiga ay gelinayaan dulmiga ay ku bedelaan sidii ay umada wax ugu qaban lahaayeen.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada
