Gaari Laga Soo Buuxiyey Waxyaalaha Qarxa oo Maanta Isku Qarxiyey Xarunta Ciidanka Dowlada ee Degmada Afgooye

0
52

Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari uu ka dhacay xarun ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Dad ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa gaariga fuliyay uu ahaa nooca loo yaqaano NOAH oo beegsaday xarunta ciidanka.

Ciidamada ku sugnaa xerada ayaa ahaa ciidamo uu tababaray Imaaraadka Carabta oo saldhig ku lahaa degmada Afgooye.

Guud ahaa marka la eego xaalada degmada ayaa kacsan, iyadoo cabsi ay soo wajahday dadka deegaanka, waxaa istaagay isu socodkii ganacsiga iyo dadka, inkastoo maalin jimco ay tahay oo inta badan isu socodka uu yar yahay.