Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowlada oo Si Bareer Ah U Toogtey Wiil Bajaajle ahaa

0
68

Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku Sugnaa Bar kontorool oo ku taalla waddada shaqaalaha ayaa xalay si bareer cad ah u toogtay Wiil Mooto Bajaajle ah, kadib markii uu dhexmaray muran afka ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in darawalka rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, markii danbena uu uu dhaawacii soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka Daarushifa.

Dhalinyaro Mooto Bajaajlayaal ah oo falkan ka jawaabayay ayaa Banaanbax ka dhigay wadada Maka Al-mukarama, taasi oo keentay in Askariga gacanta lagu soo dhigo, laguna xiro saldhiga degmada Waaberi.

Kooxdii toogashada geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halka uu dilka ka dhacay tagey ciidamo ka tirsan dowladda.