Reysulwasaraha Xukumada Federaalka Somaliya oo Maanta Booqdey Talooyin Ku Yaala Dallka Imaaraadka

0
52

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shalay booqday taalada loo dhisay halgamayaashii shuhadada ee Ciidamada Imaaraadka ee loo yaqaano Waaxatu Karaama.

Kheyre ayaa waxaa booqashadii waxaa ku wehliyay Sheekh Khalifa Bin Dhahnuun bin Mahamed Alnahyan oo ah Agaasimaha arrimaha Qoysaska Shuhadada ee diiwaanka dhaxal sugaha Imaaraadka Caraabta,

Waxaa uu Ra’iisal Wasaaruhu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada, waxaana uu ubax xusuus ah dhigay taalada shuhadada oo ah mid aad u balaaran kana kooban Alwaax Aluminihyom ah.

Taaladaasi uu Ra’iisul Wasaaraha Ubaxa xusuusta dhigay waxay kaloo ka tarjumaysaa midnimada hoggaanka dalkaasi kan shacabka iyo Ciidamada dalkaasi isutagga Imaaraadka Carabta.