Akhriso Bayaan Kasoo Baxay Xukuumada oo Ku Saabsan Heshiiska Dekada Berbera

0
120

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso heshiiska Dekedda Berbera.

Shalay heshiis Saddex geesood ah waxaa wada galay DP World, Somaliland iyo Itoobiy, waxay yeelaneysaa DP World maalgashiga Dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%, Itoobiya oo DP World u aqoonsatay saaxiib dhinaca Istiraatiijiyadda ah ay siisay 19%, iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah Dekedda Berbera.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamatay heshiiskan mid mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya,

Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraac aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel-Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.