Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo Ka Hadley Biyo La,aanta Ka Jirta Dalka

0
100

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xaaladda biyo la’aanta ah ee ka taagan qaar ka mid ah gobolada dalka Somaliya oo wabigii uu guray, dadkana ay soo food saartay xaalad adag.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq u diray hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ee ka hawlgala Soomaaliya in ay gacan ka gaystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka in ay lagama maarmaan tahay in hay’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta ee deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya.