kashifaad: Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya oo Damac Ka Galey Kursiga marxuun Cabaas C/llaahi Siraaji.

0
101

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” ayaa waxaa ay magalada kismaanyo kaga dhawaaqdey in maalinimada berito ah oo ku beegan 15 bisha febraayo ay guda geli doonaan howlaha kaga aadan tartan loo galo kursigii laga diley alaha u naxariistee marxuun Cabaas C/llaahi Siraaji.

tartanka loo galayo kursiga ee horey looga diley Cabaas C/llaahi Siraaji ayaa waxaa uu kusoo beegamayaa xili xildhibaan Cabaas C/llaahi Siraaji aan weli helin cadaalad la marsiiyo shaqsigii diley xildhiibaanka iyadoo dhanka kalana kursigan ay u tartamayaan shaqsiyaad kasoo wada jeeda beesha xildhibaankii hore ee la diley.

In kastoo aan gudiga doorashada soo bandhigin guud ahaan xubnaha tartanka ugu jira kursigaas ayaa hadana shaqsiyaadka daneynaya kurisigaas waxaa ka mid ah Maxamuud C/llaahi Siraaji oo ay walaalo yihiin marxuunka kursigaas ka geeryoodey sidoo kale ayaa waxaa la filayaa in kursigaasi usoo tartamo Maxamuud Cabdi Beekoos oo isaga dhowr jeer dowladihii ku meel gaarka ahaa kasoo noqdey xildhibaan xiligana ku doodaya in kursigu ay eheyn in aan looba tartamin ee lagu wareejiyo asaga taasi oo uu qiil uga dhiganaayo in marxuun Cabaas C/llaahi Siraaji uu kula tartamey kursigaas kuna guul dareystey ayadoo dhanka kalana su’aalo badan ka imanaya shuruucda uu beegsanayo ex xildhibaan Maxamuud Cabdi Beekoos ayadoo la wada ogyahay ineysan jirin meel calamka logaga dhaqmo qaabka doodiida ay ku saleysan tahay.

Sidoo kala shaqsiyaadka kursigana damaca kalahaa waxaa ka mid ah Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi kaasi oo xilka wasiirnimo ee uu haatan hayo qaab beeleed ogolaanshihiisuna ay lahaayeen qoyska marxuun Cabaas C/llaahi Siraaji lagu siiyey xilka wasiirnimo ee uu haatan ku shaqeeyo ayadoo ay sidaa tahay ayaa hadana wasiirka waxaa damac ka galey in uu reer siraaji ka boobo kursiga xildhibaanimo taasi oo ah shey ay ka yaqyaqsoodaan dadka damiirka iyo danqashadu ku dambeyso.

Waa nasiib daro inteeda la eg in Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi uu maanta damac ka galo kurisiga xildhinaaimo ee uu ka geeryoodey wasiir Cabaas C/llaahi Siraaji kaasi oo maanta u taagan wasiir siraaji walaalkiis’

Talaabadan uu ku dhaqaaqay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa waxey u muuqataa mid uu keli ku yahay isla markaana qar iska tuur ah ayadoo wararka aan heleyno ey tilmaamayaan in beesha guud ahaan ay heshiis ku tahay in kursiga xildhibaanimada baaralamaanka ee laga diley xildhibaa cabaas walaalkiis lagu wareejiyo.

Sidaasi si la mid ah ayaa wararka soo baxaya ay tilmaamaya in reysulwasaare kheyre iyo madaxtooyada ay culeys ku saareen Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi in uu ka haro tartanka kursigan xildhibaanimo taasi oo ilaa iyo haatan aan la ogeyn mowqifka uu ka qaatey.

si kastoo loo dhigaba damacan waalan ee Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi uu ka galey kursiga alah u naxariisteen marxuun Cabaas C/llaahi Siraaji ayaa waxaa ay daaha ka rogeysaa laba wajiilenimada wasiirka taasi oo u xuub siibatey inuu isla doono in isaga maahee aaney cid kale wax noqon.