Yaa ka mas’uul ah dhibta soo gaartay Shacabka degmada Awdheegle?

0
654

Ciidamada Dowlada Fedraalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaayo ciidamo kala gedisan oo Ajaanib ah ayaa waxay weerar ay ku sheegaan sifayn ay ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka ururka Shabaab ee dowlada ku kacsan.

Weerarada Ciidamadan ay qaadaan ayaa waxay waxyeelo kala gedisan kasoo gaartaa Shacabka ku dhaqan goobaha ay weeraradu ku socdaan iyadoo welibana weerarada ka dib hadana ay ciidamada Dowladu dib uga soo baxaan goobihii ay dagaalka kula wareegeen sidaasina ay markale dib ugu soo laabtaan Maleeshiyada Shabaab goobihii laga xoreeyay dagaal la’aan iyadoo soo laabashada Shabaabna ay keenayso waxyeelo hor leh oo soo gaarta Shacabka.

Degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka in dhowaalaba ka socday howl galada lagu baacsanayo Maleeshiyada Shabaab,Inkasta oo ay Shacabku soo dhoweynayaan Howlgalada socda ayaa waxaa hadana dhanka kale uu warwar badan uu ka jiraa Qaabka iyo Nidaamka Ciidamada Dowladu ay ku howlgalayaan oo marar badani sabab u noqda in waxyeelo soo gaarto Shacabka halka ciidamada Dowladuna ay caada ka dhigteen inay dib uga laabtaan goobaha ay ka xoreeyaan Maleeshiyada Shabaab taasi oo lafsadeeda keenta dhibaatooyin baaxad leh oo soo gaarta mar labaad Shacab sida tan maantadan ka taagan degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose.

Inkasta oo aan lasoo warin wax dhiig ah oo ku daatay qabsashadii Ciidamada Dowladu ay qabsadeen degmada Awdheegle iyo Deegaano hoos yimaada maalintii shalay ayaa waxaa hadana jira kasoo bixidii ciidanka Dowladu ay kasoo baxeen isla deegaanadaas shalay ay maanta sababtay in Shabaab ay soo xirxiraan dadka shacab ahaa oo deegaanadaasi ku noolaa halka Geeri dad shacab ahaana la soo warinaayo.

Hadaba yaa ka mas’uul ah dadka Shacabka ah ee ku geeriyooday dhacdadan xanuunka leh iyo kuwa maanta Xabsiyada Shabaab ugu jira maxaad u soo dhoweyseen ciidamada Dowlada?.

*Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood waxa uu hogaanka u hayay Ciidamadii weeraray Shabaabka ku suganaa degmada Awdheegle isaga iyo ciidankiisana waxay si fudud uga xoreeyaan maleeshiyada Shabaab degmada Awdheegle iyo deegaano hoos dhaca,Nasiib darose in kayar Sideed saacadood ka dib waxay dib uga soo gurteen guud ahaan goobihii ay Shabaab kala wareegeen Barqanimadii shaley iyadoon wax weerar ah kaga iman dhanka Shabaab,Falkan uu ku kacay C/llaahi Caanood kaga filan denbi uu ka galay shacabkii ku waxyeeloobay howlgalkiisa si gaar ah kasoo bixistiisii goobihii uu Shabaab kala wareegay.

Warar lagu kasoon yahay oo aynu helayno ayaa tibaaxaya in howlgalkan uu ahaa mid uu kali ku ahaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Cabdullaahi Caanood oo aanay jirin cid uu wax ka ogaysiiyay hadii ay noqon lahaayeen madaxda wasaarada Gaashaandhiga,Kuwa maamul goboleedka KoonfurGalbeed,Kan gobolka Shabeelaha hoose iyo kan degmada weerarka lala beegsaday ee Awdheegle.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka C/llaahi Cali Caanood oo ah shaqsi ay isku beel yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay saraakiisha Dowlada kuwooda ugu Gabood falka badan kolka laga hadlaayo ku takri falka awooda Dowladnimo iyadoo sidoo kalena lasoo warinaayo in aanu haba yaraatee xogta Ciidanku la wadaagin saraakiisha iyo maamulka isaga ka sareeya Ciidanka.

*Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isagu ah Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Xooga Dalka ayaa dhankiisa waxaa aad u muuqda inuu aad u dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Shacabka ku nool goobaha ay Ciidamada Xooga dalku ka howlgalayaan ka dib kolkii uu Awood aan xad lahayn uu siiyay Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Cabdullaahi Caanood oo ay beel wadaag yihiin.

*Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga,Madaxweynaha maamulka KoonfurGalbeed,Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose iyo Gudoomiyaha degmada Awdheegle ayaa ah kuwo aan haba yaraatee awoodin inay ka hadlaan dhibta Maatidooda kasoo gaaraysa waxa loogu yeero Howlgalada Shabaab dalka looga sifeynaayo oo run ahaantii haatan u xuub siibtay mid Shacabka lagu ciqaabaaya isla mar ahaantaasina ay ka muuqato fal aargudasho ku dhisan.

*Gudoomiyaha Degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar oo isaguba dibadjoog ka ah degmada Awdheegle ayaa dhankiisa waxa uu ku cataabay in Madaxda ciidanku aaney waxba isaga kala socodsiin howlgalkooda ku aadanaa degmada Awdheegle iyo kasoo bixidoodii midna! Waa yaabe Gudoomiyaha Dibadjoog ah ee degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar ma wuxuu sugayay in isaga laga soo wargeliyo howlgalka ciidanka ay ka sameynayaan degmada isagoo xitaa ka warhayn xaalka ay ku sugan yihiin Shacabka ku nool degmada Awdheegle? Mise malaha ku magacawnaanta Gudoomayaha Degmada Awdheegle ayuu RAHAN uga dhiganaayaa Shacabka dhibtoonaya? Ma waanu ogayn Gudoomiyaha Dibadjoog ah ee degmada Awdheegle Maxamed Awees Abuukar in sheegashada uu sheeganaayo Gudoomiyenimada Degmo aanu waxba ugu maqnayn in Hor ALLE lagu xisaabin doono Qiyaamaha?

Si kasta oo loo dhigaba dhibta soo gaarta Shacabka ku nool goobaha dagaaladu ka jiraan ayaanay ahayn noqon doonin mid si sahlan lagu ilaawo amaba lagu daboolo balse waxay ahaan doonaan in lagula xisaabtami doono maalin ay ahaataba kuwo dhiiga Shacabka sida maalaayacniga ah ku daadinaya Cadaaladuna la horkeeni doono.

Abdiaziz Cade

ATLANTA.