Wefdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo u Kicitamey Dalka Kenya

0
40

Wefdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka maanta duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, wuxuuna ku sii jeedaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyata.

Farmaajo ayaa maalinta berri oo Talaado ah dalka Kenya kaga qeyb gelaya Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid noqonaya 11 hoggaamiye oo la xaqiijiyay in ay ka qeyb galayaan xafladda Caleema saarka Uhuru Kenyatta, kuwaasi oo ka socda wadamada caalamka.

Madaxweynayaasha ka qeyb galaya munaasabada caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ah madaxda dalalka Uganda, Djibouti, Tanzania, Rwanda, Botswana, Zambia, Namibia, iyo Togo.