Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliya iyo Jabuuti oo Maanta Hishiis Ku Kala Saxiixdey Magalada Muqdhso

0
122

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay heshiis ku kala saxiixanayeen Baarlamaanada Soomaaliya iyo kan dalka Jabuuti, kaasi oo ku dhisan wada shaqeyn iyo walaaltinimo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ahna ku simaha Guddoomiyaha Abshir Axmed Maxmed (Bukhaari), Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti Maxmed Cali Xumud iyo xubno xildhibaano ah.

Heshiiskaasi waxaa u kala saxiixay Soomaaliya Guuddooiye Jawaari iyo Abshir Bukhaari Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare ahna ku simaha Guddoomiyaha, halka Baarlamaanka Jabuutina uu u saxiixay Maxmed Cali Xumud.

Heshiiskan oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ah furista wada hadalo lagu xoojinayo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta Guddiga saaxiibtinimada ee labada Baarlamaan, Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo ah hab dhowraha Golaha shacabka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay labada wadan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda aysan marnaba iloobi doonin abaalkii ay u galeen shacabka reer Jabuuti iyo dowladooda, sidoo kalana Baarlamaanka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta Baarlamaanka walaalaha Jabuuti.