Dowlada Seychelles oo Maalmaha Soo Socda Maxaabiis Ku Wareejin Doonta Dowlada Somaliya

0
43

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahe ee Seychelles ku booqday illaa 15 Maxaabiis Soomaali ah oo halkaas ku xiran.

Maxaabiista ayaa ku xukuman sanado, kaddib markii ay Maxkamad ku heshay dambi la xiriira burcad badeednimo, kuwaas oo laga soo qabtay Xeebaha Soomaaliya.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista ay u dhamaatay muddadii lagu xukumay, islamarkaana la sii deyn doono bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada ayaa sheegay mas’uuliyiinta Seychelles in ay diyaar u yihiin in isla bisha Desember 2017 ay ku soo wareejiyaan maxaabiista Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga degmada Marka ee Shabeellada hoose, toddobaadkii hore, dalkana ku xirnaa Afar maalmood, waxayna ku eedeysan yihiin burcadbadeednimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa maanta mar kale wadahadal la qaadan doona mas’uuliyiin sare ee Jasiirada Seychelles.