Dheygeyso: Reysulwasaare Kheyre oo Sheegey In La Balaarin Doono Qorshaha Howlgalka Xasilinta

0
46

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wuxuu sheegay hadii ay wadashaqeyn dhexmarto Ciidamada iyo shacabka in laga dareemayo amniga magaalada, hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed u balan qaday in ay sii dardar gelinayaan wax ka qabashada arrimaha amniga, ilaa laga gaaro in dadka Soomaliyeed ay ku qancaan niyadoodana ay ku degan tahay in Dowladdooda ay ilaalin karto amnigooda.

Reysulwasare-Khayre

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Reysulwasare Khayre Mobil