Dhegeyso:Cabdiweli Gaas oo Ku Adkeystey Taageerida Xulufada Sacuudiga Isla Markana Ka Hadley Xiisada Galmudug

0
30

Madaxweynaha maamulka Goboleedka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay arrinta ku aadan khilaafka wadamada Khaliijka ayaa sheegay ka Puntland ahaan in ay ku adkeysanayaan taageerada Xulufada Sacuudiga.

Wuxuu sheegay Sacuudiga iyo Imaaaadka Carabta in ay wax badan u qabteen shacabka Puntland ayna garab istaagan yihiin mar walba, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in aysanba garaneyn Qadar.

Dhanka kale C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka hadlay xiisada Galmudug, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay wada hadal in lagu dhameeyo mad madowga jira.

Cabdiweli Gaas

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Cabdiweli Gaas Mobil