Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka Somaliya oo La Kulmey Senetor Al Franken

0
27

Senetor Al Franken oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ee dalka Maraykanka lagana soo doorto gobolka Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa Washington DC kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo khuseeya Soomaalida oo ay ka mid tahay xanibaadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay dalal ay Soomaaliya ku jirto iyo saamaynta ay ku yeelanayso dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo gobollada kale ee Maraykanka.

Senator Franken ayaa sheegay xanibaadan dhinaca socdaalku inay dhaawac u keenayso Soomaalida ku dhaqan gobolka laga soo doorto ee Minnesota.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka dagaalami doono islamarkaana barbar istaagi doono bulshada Soomaalida ah ee kala maqan haddii xannibaaddan socdaalku ay hirgasho.