Xildhibaanada Labada Aqal ee Laga Soo Doorto Deegaanada Galmudug oo Kulan la leh Axmed Ducaalle Geelle Xaaf

0
28

Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee dowladda oo gaaray magaalada Cadaado ayaa kulan la leh madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug noqday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la sheegay in kalsoonida lagala laabtey.

Wafdiga tagay Cadaado ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, waxaana sidoo kale ka mid ah tiro kale oo xildhibaanno ah oo dhamaantood laga soo doorto deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay kulamo gaar gaar la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan, ayna ka dhageysan doonaan tabashadooda iyo waxa ay qabaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.