Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Hadley Fal aad u XCun oo Ay Shaley Geysteen Ciidamada Amisom ee Ku Sugan Magalada Muqdisho

0
38

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa si adag uga hadlay fal mid ka mid ah gadiidka ciidamada AMISOM uu u geystay gaari uu watay qof shacab ah.

Mid ka mid ah Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa shalay Isgoyska KM4 ku jiiday gaari qof shacab uu lahaa, iyadoo tallaabadan ay dad badan ka caroodeen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay aan loo dulqaadan doonin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xumahay falka ay shalay ku kaceen ciidanka AMISOM, Waxaan marka hore raali gelin u dirayaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee gaarigiisa waxyeelada ay ka soo gaareen”ayuu yiri.

“Marna raali kama ihi in Muqdishaawiga ama Muwaadin Soomaaliyeed dhib loo geysto, wxaan la xiriiray AMISOM, jawaab deg deg ah ayaan ka sugeynaa in ay ka bixiyaan sidoo kalena askarigii falka geystay cadaaladda la horkeeno magdhawna ay ka bixiyaan”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.