Reysulwasaaraha Dalka Itoobiya oo Markii ugu Horeysey Ka Hadley Dagaalada U Dhexeeya Oromada iyo Somalida

0
212

Ra’iisul Wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa waxa uu ka hadlay rabshado dad badan ay ku dhinteen oo gudaha Itoobiya ku dhexmaray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay khalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah.

Wuxuu sheegay in marka hore uu tacsi u dirayo Eheladii iyo qoysaskii dadkooda ku waayay khalalaasahaasi in ka badan laba bilood ka socday xuduuda u dhaxeysa Oromada iyo Soomaalida wada dega dalka Itoobiya.

Rabshadahan ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaraha in labada dhinacba ay kaga dhigteen dad aan waxba galabsan oo aad u badan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in uu amray Ciidamada Itoobiya si ay u sugaan amniga.

Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa wacad ku maray in dadkii masuulka ka ahaa khalalaasahan la horkeeni doono sharciga, wuxuuna ku eedeeyay in dalka Itoobiya ay geliyeen marxalad deganaansho la’aan ah.