War Saxaafadeed ku qornaa Luuqa English-ka oo ka soo baxay Maamulka Shariif Xasan, ayaa lagu muujiyay taageerada maamulkaas ee ku aadan go’aankii Dowladda Sacuudiga iyo qaar ka mid ah Dowladaha Khaliijka ay xayiraada ku saareen Dowladda Qatar.
Warka ka soo baxay maamulka shariif xasan ayaa lagu sheegay go’aankii Dowladda Somaliya ay qaadatay 6-dii Bishii June ee ay ku muujisay Dowladda inay dhex dhexaad ka tahay khilaafka khaliijka inuusan aheyn mid ku yimid wadatashi lala sameeyay Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay yihiin dalal xiriir wanaagsan oo soo jireen la leh Somaliya, ayna taageerayaan mowqifka ay qaateen.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Shariif Xasan Ugaas Xasan Cabdi Axmed ayaa sheegay inuu sax yahay warka ka soo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ayna taagerayaan Dowladaha Khaliijka go’aankii ay qaateen.
Si kastaba arintu ha ahaatee taageerida uu manta muujiyey maamulka shariif ayaad waxaad moodaa mid ay ku caburiyeen dowladaha sacuudiga iyo imaaraadka maamdaama uu maamulkaasi heshiisyo hoosaad ah la leeyahay balse ma jirto wax uu kusoo kordhinaayo taageerida uu taageerey sacuudiga iyo xulufadiisa


