Dhegeyso:Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Gudi u Magcaabey Kiiska C/kariin Qalbi Dhagax

0
195

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Maxamed Sheekh Cusmaan “ Jawaari” ayaa Magacaabay Guddigii soo baari lahaa Kiiska C/kariin Shekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii warbixin tifaftiran loogu keeni lahaa golaha Shacabka isla markaana baaris dheer oo cad loogu sameyn lahaa qodobada ay Xukuumada Soomaaliya u adeegsatay Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Guddigaan ayaa ka kooban 15 Xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana ku jira 3 Xubnood oo Haween ah.

Baarlamaanka

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Baarlamaanka mobil