Dab Ka Kacay Xerooyinka Barakacayaasha Magalada Kismaayo oo Ay Ku Dhinteen 5 Caruur oo Walaalo ah

0
216

Ilaa shan carruur oo walaalo ah ayaa geeriyootay sedex qof oo kale oo ay ku jirto hooyo da’ ahna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay xerada barakacayaasha dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku noolaayeen qoysas danyar ah.

Dabkan oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ay daganaayeen qoyska ay waxyeelada soo gaartay, ayadoo ay ku nafwaayeen shan carruur ah oo isugu jiray 3 wiil iyo 2 gabdhoo oo walaalo ah oo ay da’doodu dhexeeysay 10 jir ilaa shan sano jir.

Xilligii uu dabku kacayay ayaa la sheegay in ay guriga ku sugnaayeen carruurta geeriyootay oo qura, oo ay hooyadood kor ilbaabka kaga xirtay.

Dabka ayay sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay sedex qof oo kale oo daganaa guryaha ku dhow dhow halka uu dabku ka kacay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Max’uud Sayid Aadan oo goobta gaaray ayaa tacsi u diray ehelka carruurtii ku dhimatay dabka, isagoo sheegay in ay caawin doonaan qoysaska ay carruurtoodu ku le’atay dhacdadan masiibada ah iyo kuwa kale ee ay waxyeelada soo gaartay.