Ciidamada Xasilinta Gobolka Banaadir oo Xaley Howlgalo Ka Sameeyey Degmada Wardhiigleey

0
125

Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa xalay hawlgal ballaaran ka sameeyay qaybo ka mid ah xaafadaha Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyagoona dad badani ku soo qab qabtay.

Dadka deegaanka, ayaa waxay soo sheegayan in Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay dadka ka qab qabteen wadooyinka, waxayna isugu keeneen meel barxad ah, oo ku dhow Xarunta Degmada.

Ciidamada oo isku shaandhayn ku sameeyay dadkaasi, ayaa intooda badan dib u sii daayay, waxayse goobtaasi kala dhaqaaqeen tiro dad ah, oo loo maleynayo in tuhun uu soo galay.

Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Wardhiigley, ayaan ka hadlin hawlgalka dadka uu tuhunka soo galay ee laga sameeyay degmadaasi.