Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeele oo Bilaaban Donta

0
194

Waxaa soconaya diyaargaroowgii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxaa goobta doorashada la keenay sanduuqii lagu ridi lahaa cododka, iyadoo ay halkaa diyaar ku yihiin inta badan xildhibaannada iyo martisharaf kala duwan.

Waxaa siweyn loo adkeeyay amniga goobta ay doorashada ka dhaceyso, iyadoo ciidamada AMISOM, ciidamada militariga, Booliska iyo Nabadsugida ay si wadajir uga qeyb qaadanayaan sugida amniga, waxaana la xiray waddooyinka ku dhow dhow xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Saddex Iskuul oo ku dhow xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa la fasaxay, iyadoo ardaydii saaka aadi laheyd lagu wargeliyay in aanay maanta imaan, sababo ku aadan doorashada dhaceysa iyo ammaanka oo la adkeeyay.

Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xalay oo dhan ku jiray olole xooggan, lagama seexan guryaha ay degan yihiin, waxaana si gaar gaar ay ku qaabilayeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay kalsooni uga helaan, una codeeyaan.

Ilaa saddeed muharax ayaa ku tartami doona doorashada maanta kuwaa oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan.