Kalfadhigii Baarlamaanka oo Maanta Baaqdey

0
162

Kulankii maanta ee Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxaa uu u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa madasha ka sheegay inuu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta, maadaama Kooramkii loo baahnaa aysan soo xaadirin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannadii ka maqnaa fadhiga Baarlamaanka.

Kulankii maanta waxaa soo xaadirtay 104 xildhibaan, waxaana jiray xildhibaanno yimid kulanka balse diiday in magacyadooda ay ku qoraan warqadda-xaadirinta xildhibaannada, taas oo ka dhigneyd in aysan raali ka aheyd joogitaanka fadhigii baarlamaanka ee maanta.

Fadhigii maanta ee Baarlamaanta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadi lahaa arrimo ay kamid yihiin go’aankii xukuumadda ay ka qaadatay arrinta Qalbi-Dhagax, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).