Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominaayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulankoodii shalay waxaa ay ku ansixiyeen heshiiska isu-celinta maxaabiista dowladdaha India iyo Soomaaliya, waxaana heshiiska dhawaan loo gudbin doono Baarlamaanka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa golaha soo hordhigay Heshiis ay Dowladdaha India iyo Soomaaliya kala saxiixdeeen ee isu-celinta maxaabiista, oo suurtogelin doona in maxaabiista muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka India la keeni doono dalkooda hooyo.
Xabsiyadda ku yaalla dalka India, waxaa ku xiran Soomaali baddan, kuwaas oo intooda baddan lagu eedeeyay burcad-baddeednimo.
Dowladda India, ayaa dhawaan xukun ku riday eedeysanayaasha, balse xukuumadda ayaa iminka dadaal ugu jirta sidii Soomaaliddaasi loogu soo celin lahaa dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.