War deg Deg ah Qarax Ismiidaamin ah oo Goor Dhaweyd Ka Dhacay Maqaaxi Ku Taala Magalada Baydhaba

0
178

Weerar ismiidaamin ah, ayaa galabta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo uu weerarkan gaystay nin xirnaa suunka walxaha qarxa ka samaysayn.

Ninkan, ayaa isku qarxiyay maqaaxi ku taala Bartamaha Magaalada Baydhabo, gaar ahaan agagaarka Xarunta Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil ee Magaalada Baydhabo.

Wararka, ayaa waxay sheegayan in ninkani uu beegsaday dad ku shahaayay maqaaxida, isla-markaana ku suggaayay Salaaddii Maqribka.

Ugu yaraan afar qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay ismiidaamintaasi, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay. Weerarkan ayaa sidoo kale dhaliyay burbur maaliyadeed.

Ilaaiyo hada ma jirto cid sheegatey in ay ka dambeysey weerarkaas balse weeraro noocan oo kale ayaa inta badan guud ahaan dalka waxaa ka fuliya uruka alshabab.