Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Maanta Ka Furey Magalada Muqdisho Kulan Lagu Hormarinayo Maaliyada Dalka

0
44

Wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Beylle ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir ay ka qeyb-galayaan ilaa Sagaal wasaaradood iyo xafiiska xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Shirkan oo ku saabsan hagaajinta hannaanka maaliyadeed ee dalka waxaa goob joog ka ah xisaabiyayaal ka kala socda wasaaradaha ugu muhiimsan ama ugu shaqada badan xukuumada.

Xisaabiyaha guud ee Qaran Axmed Yuusuf Muumin ‘Siraaji’ oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in hada hannaanka maaliyadeed ee dalka uu aad uga wanaag-sanyahay sanado ka hor sidii uu ahaa.

Wasiirka maaliyada oo siddoo kale shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan-yahay in laga fogaado musuq-maasuqa, isagoo sheegay in dhawaan la rajeynayo in la gaaro isku filnaasho dhaqaale.