Cali Cabdullahi Cosoble oo Maanta Gaarey Magalada Beledweyne

0
34

Madaxweynihii Baarlamaanka Hirshabeelle uu xilka ka qaaday, ayaa maanta gaaray Magaalladda Beledweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.

Cali Cabdullahi Cosoble, oo ay la socdaan xubno isaga taabacsan ayaa Beledweyne lagu wadaa in ay kula kulmaan siyaasiyiin iyo waxgaradka reer Hiiraan.

Ilaa iyo hadda si weyn uma shaacsana qorsha-howleedkiisa, balse wararka ayaa sheegaya in uu raadinayo taageero maadaama uu ku adkeysanayo in uu wali madaxweyne sharci ah uu yahay.

Baarmakaanka maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan isku diyaarinaya sidii ay usoo dooran lahaayeen Madaxweynaha cusub.