Akhriso:Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele oo Magacaabey Gudiga Doorashooyinka Madaxweynenimo

0
52

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamedayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga Doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle oo dhowaan dhici doonta.

Guddiga Doorashada ee uu magacaabay Guddoomiye Sheekh Cusmaan ayaa ka kooban 9 xubnood, oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Hirshabeelle, kuwaasi oo ka shaqeynaya diyaarinta Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay magacaabistan in uu wada tashiyo kala sameeyay labadiisa ku xigeen iyo xildhibaanada Hirshabeelle.