Shabeelaha hoose “Kunacnaye Habargidir Nooga bax Gurigeena”…

1
267
Guud ahaan shacabka ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay ka midaysan yihiin diidmada ay diidan yihiin in beesha Habargidir ay ku sii amar ku taaglayso masiirkooda ka dib 27 sano oo tacadi aan wax loo dhiga la arag oo ay ku sameeyeen dhamaan Noole iyo Manoole wixii uu Rabigay uu ku abuuray ciida gobolka Shabeelaha hoose.
Falalkan foosha xun ee ay beesha Habargidir ka geysatay gudaha gobolka Shabeelaha hoose ee isugu jira Dilka,Kufsiga(Rag,Dumar iyo Caruur),Dhac(Bed iyo Beer),Barakicin,Cagajuglayn,Isbaaro,Afduub iyo Gaalaysiin ayaanay ahayn falalka kaliya ee ay beesha Habargidir ay kula kacday Dad iyo Duunyo inta ku nool gobolka Shabeelaha hoose balse waa mid ay guud ahaan kula kacday dhamaan gudaha gobolada dalka Soomaaliyeed ee ay cagta marisay.
Beesha Habargidir waxaa horay heeryadeeda gumaysiga isaga tuuray oo dagaal cad kala hortagay falkeeda Gumaysiga ku dhisan Beelaha Muqdisho,Gedo,Hiiraan,Shabeelaha dhexe oo maalin cad inta ay diideen misna qoriga caaradiisa ay kaga soo saareen deegaankooda,Sidoo kalena Beelaha Bakool iyo Baay oo iyaguna gumaysigii Habargidir dharaar cad ku caasiyay iskana tuuray halka Beelaha dega labada Jubana(Hoose iyo Dhexe) ay sidaa si la mid ah yeeleen,Hadana sidaa oo ay tahayna beesha Habargidir marnaba kama qancin Gumaysiga ay doontay inay Gumaysato beelaha Soomaaliyeed.
Kol hadii Milada iyo Caqiidada beesha Habargidir ay  tahay Iska kay dhici hadii kale waa ku dulsaarnaanaa oo ku Gumaysanaa ilaa Qiyaamaha,Ma waanay ahayn inay isweydiiyaan reer Shabeelaha hoose cida ay ka sugayaan inay Habargidir uga ergeeyaan oo ugu sheegaan in aan Habargidir looga baahnayn gobolka misna ay ku laabato halkii ay ka yimaadeen iyo Galgaduud.
Runtiina aad bay u sahlantahay in jawaab loo helo su’aasha ku aadan beesha Habargidir iyo Naca loo qabo gudaha gobolka Shabeelaha hoose,
Kol hadii ay dhab tahay inay Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ay naceen Habargidir misna ay QaataBILLAH ka taagan yihiin magaca iyo muuqa Habargidir misna maankooda ka guuxayo kuna taamayaan inay maalin uun ka hoos baxaan dhibta ay baday beeshan Habargidir waxaa ku filan inay markaliya wada dhahaan “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”oo inta ay u midoobaan dhaqaaqaan.
Kolka laga hadlaay dhibaatooyinka muuqda iyo kuwa aan muuqan ee Shacabka gobolka Shabeelaha hoose si guud ah ay ugu gaysatay beesha Habargidir ilaa maantana ay u gaysaneyso ayaa waxaa ka mid ah:
1-Baqdin gelin guud.
Guud ahaa shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa la geliyay argagax aan dhamaan oo ay beesha Habargidir u adeegsatay wax kasta oo ay awood u lahayd laga bilaabo Qori,Hanjabaad,Dhaqaale iyo Falkasta oo argagax leh xitaa hadii falka argagaxa lihi meel markiisa loogu baahdo in Shacabka Diin looga dhigo falkaas la Diimeeyo oo lagu been abuurto Diinteena Xaniifka ah.
2-U dhibaatayn.
Guud ahaan Shacabka gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay beesha Habargidir u dhibaateeysay Noloshooda,Fekerkood iyo Damiirkooda iyadoo intabana uga faa’iidaysatay awooda Argagaxa leh ee ay dadku gelisay kadibna waxay si xaaraan ah ku qaadatay  Gabdhahooda,Dhulkooda oo bed iyo Beeraba leh Shacabkii reer Shabeelaha hoosena  waxay ku soo hareen inay nolosha ka hoos dayaan kooxdan Cabsida u labistay.
3-Dhaqan rogis.
Kolkaad dib u fiiriso taariikhda dadka dega gobolka Shabeelaha hoose iyo waxa ay maanta ku sugan yihiina waa kaafi iyo kala dheeri balse marbaa hadal gaaban qaneeco kuu galaa ee ma istiri “Dab Danbas buu Dhalaa” ayaa meesha taal?
Ma waan gobolka Shabeelaha hoose ka dhalan geesiyadii hogaamiyay boqortooyadii Geledi ee Digil iyo Mirifle,Halyeeyadii Saldanada BiyoMaal ee Direed oo tobansano dowlada reer Yurub ah dhulka u diiday inay cagta soo dhigaan,Ma waanay…Ma waanay…iyo in kaloo badan.
Markale aan isweydiino ee  yaan ka sugaynaa hadaan nahay shacabka gobolka Shabeelaha hoose in ay Habargidir u sheegaan in aan looga baahnayn gobolka misna ay ku laabato halkii ay ka yimaadeen iyo Galgaduud.
Shacabku waa dhamaan Ummadda kol hadii ay sidaa tahay shacabyahow yaad sugaysaa?!
Waxaa hubaal ah in ruux la sugo in aanu jirin oo inoo maqan oo inoo dhaha Habargidir dadkaan way ku neceen ee uga bax Gurigooda ee Shacabyahow u gargaar qadiyadaada oo mar kaliya dhaha oo wada dhaha “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Sidaa si la mid ah Salaadiinta gobolka iyagoon u kala harin gudaha golaha Salaadiinta Soomaaliyeed ka dhahaan”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Culimada waa tiirka ummadu ay ku taagan tahay talada Aduun iyo tan Aakhirana tilmaanta Xaqana ka soocda Xaqdarada,Xalaashana Xaaraanta,Xumahana Wanaaga ee idinkuna dhaha ileen waa Xaqe”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Siyaasiga waxaa ku saaran xil ah in golaha aad ku matasho magaca gobolka Shabeelaha hoose hortiis inaad istaagto aad tiraahdo”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga baxa”.
Aqoon yahanka waxaa saaran xilka hogaanka ummadiisa ee ku aadan masiirkooda waana inuu noqdaa mid kara tilmaana dhahana”Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga baxa”.
Fanaanka waxaa saaran xil ah inuu ummadda Afkeeda ka turjumo oo uu ku heeso ku gabyo kuna dhiiri geliyo umadiisa soo dhacsashada Xaqeeda oo dhaha “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Saxafiga waxaa saaran xil ah inuu qalinka ku bayaamiyo dhibta uuna yiraahdo “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Dhamaan bulshada qaybeheeda kala gedisan sida Haweenka,Dhalin yarada,Ganacsatada,Xoogsatada iyo Caruurtuba ay wada dhahaan “Kunacnaye Habargidir Gurigeena nooga bax”.
Hadii ay tani dhacdo waa hubaal in dhibta Habargidir meesha ku hari doonto ummadduna u bixi doonto Xoriyadeeda kana bixi doonto Adoonsiga iyo Argagaxa loo labisay.
Ee Akhristaha Sharafta iyo Qiimigaba mudanoow ila dheh mar kaliya si aad u taageerto Shacab kaaga baahan taageerada misna aad u garab istaagto Xaqa ugana hortimaado Xaq darada beesha Habargidir ee Shacabka gobolka Shabeelaha hoose”Kunacaye Habargidir dadka uga bax Gurigooda”….Mahadsanidiin.
Abdiaziz Sh Salah.

1 COMMENT

Comments are closed.