Dhegeyso: Xog Dheeraad ah oo uu Bixiyey Mid ka Mid ah Shaqsiyaadka Taageera Shabab Goob Joogana ka ahaa Dhacdadii Bariire

1
132

Warbaahinta magalada muqdisho ee sida gaarka ah loo leeyahay ayaa beryahan waxaa ay buunbuunineysey koox ka tirsaneyd ururka alshabab oo ciidamada dowlada federaalka somaliya oo garabsanaya saaxiibadood ay ku guulesteen in ay laayaan kooxdaasi oo ku sugnaa beer ku taala deegaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

Talaabadani ay qaadeen ciidanka dowlada oo garabsanaya saaxiibadood ayaa waxaa ka been abuurtey dad sheeganaya iney yihiin madax beeleedyo iyo maamulo kuwaasi oo dhamaantood gacan saar la leh maleeshaiyada alshabab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada dalka gaar ahaan gobolka shabelaha hoose. ayadoo wararkaas been abuurka ah ay si xoog leh ugu faafiyeen gudaha bulshada somaliyeed idaacada beelaha u shaqeeya iyo weliba maleeshiyada alshababb ee ka howl gala magalada muqdisho.

Talaabadan lagu gumaadey maleeshiyaadka shabaab ee ku sugnaa deegaanka bariire ee gobolka shabelaha hoose ayaa sidoo kale xaqiiqdooda iney ka hadlaan waxaa ku fashilmey maamulka koonfur galbeed halka dowlada federaalka ay culeys ku saareen hogaamiyeyaasha beesha habargidir in ay qaataan fikirkooda ku aadan in nimanka la laayey ay ahaayeen beeraaleey shacab ah ayadoo laga wada dheregsan yahay in shaqsiyaadka ay ciidamada dowlada ku dileen deegaanka bariire ay ahaayeen maleeshiyaadka shabab oo gabaad ka helaya mooriyaanta ku habsatey gobolka shabelaha hoose gaar ahaan kuwa beeraha dadka ay leeyihiin xooga ku heysto.

Bal nala dhegeysta mid ka mid kooxaha duulaanka oo isaga goob joog ka ahaa dhacdadii ka dhacdey degaanka bariire isla markaana tilmaamaya waxa uu ka ogaa dhacdadaasi oo ay ugu horeeyaan in shaqsiyaadkii la diley ay ahaayeen maleeshiyaad sidoo kalana ay hubeysnaayeen isla markaana xabad kala hor tegey ciidamada xooga dalka somaliyeed oo ayaga ku howlanaa ka sifeynta deegaanadaas haraadiga alshabab ee ku dhumaaleysanayey beerayaha dhexdooda.

Dhegeyso Mid ka Badbaadey Weerarkii Bariire

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Dhegeyso Mid ka Badbaadey Weerarkii Bariire Mobil

1 COMMENT

Comments are closed.