Akhriso Amar Culus oo Lagu Soo Dul Rogey Golaha Wasiirada

0
46

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed ayaa lagu amray xubnaha gollaha wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada iyo warbaahinta qeybaheeda kala duwan, iyagoo aan ogolaansho heysan.

Qoraalka ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa lagu faray dhamaan wasiirada in aysan isticmaali karin baraha bulshada, Idaacadaha, Telefishinada iyo wixii la xiriira warbaahin, ay u baahan tahay in marka hore ogolaansho ka heystaan xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Sidoo kale waxa la faray wasiirada in aanay ka hadli karin arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in la isla ogyahay mowduuca ay ka hadlayaan ee quseeya xukuumadda.