Maxkamada Sare oo Sheegtey In Shaqsiga Aan La Heysan Karin Dembi La,aan Wax Ka Badan 48 Saacadood

0
77

Maxkamadda sare ee dalk Soomaaliya ayaa war ka soo saartay mudada uu xirnaan karo maxbuuska, iyadoo aan wax maxkamad ah aan la horkeenin.

Qoraal ka soo baxay maxkamada sare ee dalka ayaa lagu sheegay in qofna aan xabsiga lagu sii heyn karin wax ka badan 48 saac, iyadoo aan sharciga la horkeenin.

Xafiiska xeer- ilaalinta iyo xafiisyada kale ee dambi barista ayeey maxkamaddu u jeedisay in ay hirga-liyaan wareegtadaan islamarkaana baaristooda ay ku dhameeyaan muddada sharciga uu farayo oo ay maxbuuska eediisa u soo gudbiyaan maxkamadda awooda u leh ama xoriyadiisa ay dib ugu celiyaan.