Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo Reysulwasaaraha oo La Kulmey Denjiraha Midowga Yurub u Qaabilsan Bariga Africa

0
44

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa maanta la kulmay danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la jaan qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u helaan nabad iyo nolol.