Hay’adda Qaramada Midoobey ugu Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga oo Sheegtey In 70 Kun in Ka Badan Ka Tageen Xeryaha Dhadhaab Dibna Ugu Laabteen Somaliya

0
23

Hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in dalka Soomaaliya ay kusoo noqdeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalka dib usoo celinta Qaxootiga bsihii December ee sannadkii 2014-kii.

Warbixin kooban oo hay’adda ay soo-saartay ayaa lagu sheegay in 68,697 qof ay ka tageen xerada Qaxootiga ee Dadab, waxaana ay hadda ku noolyihiin dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

UNHCR waxay kaloo sheegtay inay haatan is-diiwaan geliyeen 18.274 Qaxooti Somali, kuwaasi oo ku sugan Xeradda Dhadhaab ee Waqooyiga Kenya.

In ka badan 2 million oo qof oo qaxooti ah ayaa u baahan kaalmo bani’aadanimo. 1.1 million oo qof ayaa ku barakacsan gudaha dalka Soomaaliya halkan 900,000 oo kalena ay Qaxooti ku yihiin waddamada Gobolka.