Kulankii Madaxdii Hore ee Africa oo Maanta Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Koonfur Africa

0
25

Shirkii loogu magac daray African Leadership Forum 2017, ee ka socday dalka Koonfur-Africa, ayaa shalay si rasmi ah loosoo gaba-gabeeyay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay qaar kamid ah Hogaamiyaashii soo maray Qaaradda Africa, waxaana dalka Soomaaliya shirkaasi uga qeyb-galay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hay’adda Thabo Mbeki foundation, ayaa isku keentay madaxda, waxaana shirka intiisa badan looga hadlay ka hortagga dhibaatooyinka soo wajaha Qaaradda gaar ahaan caqabadaha hor taagan Nabadda, Dowlad wanaagga iyo kala sareynta sharciga iyo kaalinta ay Afrika kaga jirto nabadeynta Caalamka.

Mr. Mkapa, ayaa hoggaamiyaasha Africa u sheegay in ay lahaadaan hal cod si loo xaliyo dhibaatadda gaar ahaan xiisadaha ka taagan waddamada South Sudan iyo Libiya, waxaana dhinaca kale hadalkiisa uu sii raaciyay haddii aan hoggaamiyaasha African aysan sidaasi sameyn in dhibaadda ay sii socon doonto.