Xubnaha Cusub ee Wasiirada Maamulka Shariif Xasan Yaa Soo Geli Doona Yaana Daaqada Ka Bixi Doona

0
35

Wararka ka imanaya magalada baydhabo ayaa waxaa ay ku waramayaan in madaxweynaha maamulka koonfur galbeed shariif Xasan Sheekh Adan uusoo gabagabeeyey wadatashiyadii uu la lahaa qeybaha kala gedisan ee bulshada kuna aadanaa isku shaandheynta golihiisa wasiirada.

Warar la hubo oo la isku haleyn karo oo ay daafeet.com ka heshey qasriga looga aramiyo maamulka koonfur galbeed ee somaliya ee magalada baydhaba ayaa ku waramaya in caawa waqti dambe lasoo gabagabeeyey kulamadii gooni goonida ahaa ee uu Shariif Xasan la lahaa qaar ka mid ah xubnaha maamulkiisa iyo odayaasha dhaqanka isla mar ahaantaana la isku afgartey guud ahaan qaabka uu ay u dhici doonto isku shaandhey uu Shariif Xasan u bandhigey qeybihii uu la kulmey.

Golahan cusub ee wasiirada ee uu Shariif Xasan ku dhawaaqi doono maalmaha soo socda ayaa waxaa xilalkooda weyn doona xubno culus oo hada maamulka ka mid ah xubnahaasina waxaa kamid ah.

1- Xasan Xuseen Maxamed. Wasiirka wasaarada Hub ka Dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarida Maleeshiyaadka, (Mirifle/Yantaar).
2- Cabdinaasir Cabdi Caruush.Wasiirka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, (Hawiye/ Habargidir/ Ceyr)
3- Xasan Cabdi Maxamed. Wasiirka wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinra Bulshada,(Mirifle/Macalinweyne).
4- C/laahi Sheekh Xasan. Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo Warshaddaha,(Hawiye/Abgaal/Daa’uud)
5- Axmed Nuur Sheekh Maxamed Luxus. Wasiirka wasaarada Dib u dejinta iyo Xiriirka Jaaliyaddaha,(Maheyno Qabiilkiisa).
6- Maxamed xasan fiqi wasiirka wasaarada beeraha “Dir Biyamaal”
7- Cabdiraxmaan Ibraahim aadan Wasiirka arimaha gudaha ” Hariin ”

Halka wejiyo cusubna qeyb ka noqon doonaan golaha wasiirada cusub, Xubnaha golahaasi ka mid noqon doonana waxaa ka mid ah.

1- Cabdullahi maxamed idiris ” Leesto ‘ Wasiirka Aminiga ‘ Hariin ‘
2- Axmed Cusmaan Duuble Wasiirka Beeraha ” Geledi ”
3- Axmed maxamed sulub Wasiirka wasaarada Hub ka Dhigista ” Ogaadeen”

Sidoo kale ayaa golaha cusub waxaa wasaarado cusub loo magacaabi doonaa qaar ka mid ah xubnaha hadaba golaha ka mid ah xubnahaasi waxaa kamid ah.

1- Madoobe Nuunow Maxamed Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ” Dabare ”
2- C/qaadir Nuur Caraale Wasiirka maaliyada ”Murursade Hawiye”
3- Faadumo Maxamed Xuseen Wasiirka Xiriirka Calamiga ” Geelidle”

Ayadoo qaar ka mid ah golaha wasiirada hada jira ay kusoo laaban doonaan golaha wasiirada ee cusub ayagoo welina ku magacaaban isla warsaada ay hada ku magacaaban yihiin.

Sidoo kale ayaa warar eynu ka heleyno magalada baydhaba waxaa ay tibaaxayaan in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu magacaabi doono markii ugu horeysey madaxweyne ku xigeen uu yeesho maamulkiisa waxaana xilkaasi loo magacaabi doonaa Xildhibaan Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah rug cadaa siyaasadeed kana soo jeeda beesha biyamaal oo ka mid ah beelaha tunka weyn ku leh gudaha maamul goboleedyada koonfur galbeed iyo Jubba.