Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Shir Gudoominaayey Kulanka Golaha Amaanka

0
33

Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka oo uu gudoominaayey Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagaga hadlay Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxwayne Farmaajo ayaa arrinkaan u saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu madax u yahay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Taliye Saacid oo ay wehelinayaan Wasiirka Amniga Dowladda Faderaalka ah, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga ayaa isla markiiba soo kormeeray labadii goobood ee ay ka dhacday is-rasaasaynta, iyaga oo halkaas warbixinno kaga dhagaysteen saraakiil ka tirsan ciidamada.

Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah Maxamed Abuukar Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in shilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howl-galladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdisho, waxayna ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidankooda.

Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.

Taliyaha Nabad sugidda Soomaaliya C/laahi Maxamed Cali (Sambaloolshe) ayaa waxa uu sheegay in hada ay xiran yihiin Ciidamadii ka dambeeyay dhacdooyinkii shalay, baaritaano-na ay ku socdaan.