Kulankii u Dhexeeyey Xukuumada iyo Amisom oo Maanta La Filaayo In Lasoo Gabagabeeyo

0
34

Shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho lagana soo saaro war ku aadan waxyaabihii labada dhinac ay isla garteen.

Shirkan oo socday Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxaa ka qayb galayay Wasiiro ka socda Dowladda, Saraakiisha ciidamada AMISOM, Saraakiil Cadaan ah iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub, kuwaasi oo isla lafa guraayay sida ugu haboon ee AMISOM dalka uga baxeyso ciidanka Qaranka Soomaaliyana ay ula wareegi lahayeen ammaanka dalka.

Madaxda shirka ka qaybgalaysa ayaa isdhaafsanaayay tallooyin la xiriira sida ugu haboon ee suurtagalnimada ah ee ciidamada AMISOM dalka uga baxayaan kadib 10 sano oo ay caawinayeen Dowladda Soomaaliya.

Galabta ayaa la filayaa in shirka la soo gunaanado, lagana soo saaro warmurtiyeed ku aadan waxyaabihii ka soo baxay Shirka.