Bananbax Looga Soo Horjeedo Shaqaaqadii Shaley Ka Dhacdey Magalada Muqdisho oo Lagu Qabtey Wadada Maka Al Mukarama

0
68

Banaanbax balaaran ayaa duhurnimadii maanta waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Banaanbaxan ayaa waxaa dhigay dadweyne isaga kala yimid qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo isugu jiray Haween, Dhalinyaro iyo caruur yar yar, kuwaasi oo bartamaha laamiga ku gubay Taayero, sidoo kale halkaasi ku jaray dhagaxaan.

Banaanbaxayaasha ayaa ka cabanayay kana soo horjeeday iska hor imaadkii shalay lagu dilay lagu dilay Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad sugidda gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid ah ilaaladiisa, maadaama dadka Banaanbaxa dhigayay qaarkood ay ehelo ahaayeen Marxuum (Jiijiile).

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi u saartay shaqaaqadii shalay dhacday, iyadoo xabsiga la dhigay dhammaan ciidamadii ku lugta lahaa iska hor imaadka.